Lacagta daryeelka carruurta
Ma rabtaa in carruurtaada si fiican loo daryeelo inta aad shaqeyneyso ama aad wax baraneyso? Daryeelka carruurtu waa qaali. Si uu kaaga caawiyo kharashyadan, Maamulka Canshuuraha iyo Kastamku wuxuu bixiyaa gunno daryeel carruureed. Waxaad booqan kartaa bogga internetka ee Maamulka Canshuuraha iyo Kastamyada . Waxaad ka heli doontaa dhammaan macluumaadka halkaas. Waxaad si toos ah uga codsan kartaa gunnada daryeelka carruurta halkaas.